Xuska Maalinta 20 February, Dhagax-tuurkii Ardayda Hargeysa Iyo Xadhigii UFFO: "Marnaba Ma Fileyn Wixii Maalintaa Dhacay" Axmed
Somaliland.Org -- Hargeisa, Somaliland -- 19 February, 2005
--------------------------------------------------------------------------------
Berrito oo bisha February tahay 20, waxay ku beegan tahay sannadguuradii 22aad ee ka soo wareegtay kacdoonkii dhagax-tuurka lahaa ee ay ku kaceen ardayda dugsiyada Hargeysa, 20 February 1982, iyaga oo ka dhiidhiyey xadhigii taliskii Milateri ee Soomaaliya xabsiga ugu taxaabay in kabadan 20 dhallinyaro aqoonyahanno reer Somaliland ah oo lagu magacaabi jirey UFFO. Waxaana lagu wadaa berrito in munaasibad ballaadhan oo xus ah loo sameeyo maalintaas.
Maalinta 20 February oo sannadkasta la xuso, waxa lagu xasuustaa xadhigii xabsiga dheer loogu taxaabay dhallinyaradii Aqoonyahannada ahaa ee UFFO oo iskood isugu abaabuley, isuguna xilqaamay inay si tabaruc ah wax uga qabtaan adeegga guud ee dadweynaha magaalada Hargeysa oo ay dowladdii Keli-taliska ahayd ay si xun u dayacday iyo mudaharaadkii ardayda dugsiyada Hargeysa ka sameeyeen 20kii February 1982 xarunta maxkamadda Hargeysa horteeda, halkaas oo maalintaa lagu saarayey dhallinyaradaas maxkamaddii Milateri ee Siyaad Barre, iyada oo ay ardaydu dhagax kala hortageen tawaangidii iyo hubkii cuslaa ee ciidamadii Siyaad Barre.
Waxaana maalinta 20ka February, loo qaatay maalin taariikhi ah oo u taagan bar-bilowga kacdoonkii iyo dhiidhigii shacbi ee curiyey halgankii hubaysnaa ee lagu ridey taliskii cadaadiska ee Siyaad Barre iyo qiimaha shacbiga Somaliland ku bixiyeen xorriyadda. Isla markaana waxa xuska maalintan la siyaartaa taallo maxkamadda Gobolka Hargeysa horteeda looga dhisay dhallinyaradii ardayda ahayd ee lagu diley kacdoonkaas.
Hase yeeshee, mid ka mid ah aqoonyahannadii UFFO ee la xidhxidhay, Mr. Axmed Muxumad Madar oo ka mid ah dadka qabanqaabinaya munaasibadda xuska ayaa ku baaqay sannadkan in maalinta 20ka February lagu daro maalmaha qaranka, si heer qaran ahna loo xuso.
Axmed, waxa uu sheegay in xuskii Sannadkii hore ee 2004 ay soo jeediyeen in maalintan lagu daro maalmaha qaranka, si heer qaran ahna loo xuso, balse ilaa iyo hadda xukuumaddu ka gaca jiidayso.
"Ummad waliba way xustaa, waanay xasuusan tahay taariikhdeeda. Ummad taariikhdeeda illowdeyna ama aan taariikh lahaynina run ahaantii ummaddaasi jaahwareer kama baxdo, sida sooyaalka taariikhdu ina farayo," ayuu yidhi Mr. Axmed Muxumad Madar.
"Taariikhdu waa waxa ummadda haga ee hoggaamiya, haddii ay xusi weydo ama xasuusan weydo taariikhdeeda ummadina dhibaato kama baxdo had iyo jeer. Waana ta maanta ina haysata runtii," ayuu raaciyey.
Mr. Madar oo saxaafadda uga warramay maalintaa iyo sidii wax u dhaceen, waxa uu sheegay inuu isagu ka mid ahaa dhallinyaradii wakhtigaa la xidhay ee xabsiga ku jirtey ee ardaydii dugsiyada, dhallinyaradii, haweenkii iyo dadweynihii reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaan kuwa reer Hargeysa ay ka gilgisheen xadhigooda.
"Maalintaa iyada ah [20kii Febr. 1982] anigu waxaan ku jirey gacantii cadowga oo markaa ahaa taliskii dalka ka talinayey ee Faqashta. Waanu xidhnayn, waanu katiinadaysnayn," ayuu yidhi Axmed.
Isaga oo ka warramaya, sidii xadhigoodu u bilaabay, waxa uu sheegay Axmed Muxumed Madar in dhallinyaro uu ka mid ahaa oo la odhan jirey UFFO oo ahaa dhallinyarada magaalada Hargeysa wakhtigaa, isla markaana isugu jirey Macalimiin, dhakhaatiir iyo dhallinyaro kale oo aqoonyahanno ah ay isu abaabuleen inay si naftood-hurenimo ah ama mutadawacnimo ah uga shaqeeyaan dhibaatooyinkii markaa dalkooda iyo dadkooda haysatey, iyaga oo arkay in si badheedh ah loo dayacay adeegyadii guud. Dabadeedna bilaabay inay dadkooda u qabtaan wixii dowladdu u qaban weydey ee ay xaqa ugu lahaayeen, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada, dadkana ku baraarujiyaan inay iyagu waxqabsadaan ee aanay dowladda waxba ka sugin.
Waxa uu sheegay in dhallinyaradaasi ay hawshooda ka bilaabeen caafimaadka, iyaga oo wax ka qabtay cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Iskuulada oo ay xiisado ka geli jireen markii macalimiintii ku yaraatay, taas oo uu sheegay in dowladdii wakhtigaa jirtay ay u aragtay khatar iyo inay tahay arrin dadka ku kicinaysa dowladda.
Waxana uu sheegay in maalin maxkamadda la keenay dhallinyaradaas ay dadweynuhu gadood ka sameeyeen, dabadeedna uu dhacay dhagax-tuur ay iskaga horyimaaddeen ciidamadii la odhan jirey Xoogga Dalka ee dowladdii Soomaaliya, gaaskii ugu xoogga weynaa ee degganaa Hargeysa iyo duleedkeeda iyo dadweynihii Hargeysa oo fara madhan, waxa keliya ee ay siteenna uu ahaa Dhagax.
"Maalintaasi runtii waxay ahayd maalin taariikhda Somaliland aan odhan karo waa maalin mudan in loo aqoonsado maalin qaran. Waa maalin Somaliland dib ula soo noqoshada xornimadeeda bilowgeedii ahayd," ayuu yidhi.
"Waxa loo yaqaannaa maalintaas maalinta UFFO. laakiin, runtii waxay ahayd maalin ay dhallinyarada iyo dadweynaha reer Hargeysa ay gadood dhab ah muujiyeen, markii ay muddo badan Daqdi iyo dulmi iyo cabudhin ay ku jireen, xaqdarrona lagu maamulayey," ayuu raaciyey Axmed Muxumad Madar.
Waxa uu sheegay in ay ahayd maalin ay u badheedheen inay naftooda u huraan si ay xaqooda u dhacsadaan. Waxana uu xusay inkasta oo aan tira-koob sugan lahayn ilaa iyo hadda in dhallinyaro iyo tiro kale oo dadka shicib ah ka tirsanaa inay wax ku dhintay iyo wax ku dhaawacmay ay ahaayeen.
Axmed, oo la weydiiyey tirada kooxda UFFO ee hawsha samafalka ah bilaabay inta ay ahayd, waxa uu sheegay in dadka hawshaa ku jirey ay aad u badnaayeen, balse markii la qabqabtay, dadkii la xidhay ee Jidh-dilka iyo xadhigga bilaa maxkamadda ah la geliyey (detention) ay ahaayeen 30 qof; kuwaas oo uu sheegay in la soo dedejiyey maxkamad geyntooda kadib gadoodkii Dhagax-tuurka ee 20kii February ay ardayda Hargeysa samaysan, tiradii maxkamadda la geeyeyna ay ahayd 30kaa qof.
Hase yeeshee, waxa uu sheegay in 20 ka mid ah 30kaa dhallinyarada ah lagu xukumay xabsi u dhexeeya 3 sannadood ilaa xabsi daa'in.
Waxa kale oo uu sheegay in gadoodkaa dadweynuhu wax ka beddelay qodobadii lagu soo oogey dhallinyaradaas oo dhammaan ciqaabtoodu ahayd "Dil", balse talisku ka fududeeyey markii uu arkay dareenka shacabka.
"Maalintaa 20 February, markii aan anigu ku jirey xadhiga ee rasaastii ugu horreysey ay dhacday ee aan maqlay, run ahaantii, marnaba ma aanan filaynin in dhiirranida intaa le'egi ay dhacayso, cabsidii dadkayga ku jirtey awgeed," ayuu yidhi Axmed Muxumad Madar, isagoo ka hadlaya dareenkiisu sida uu ahaa maalintaas.
"Marnaba maan filayn in dadkaygu ay ku kici karayaan wixii ay maalintaa ku kaceen marka la eego culayska saarnaa iyo sida loo cabsi geliyey dadka. Waxay igu noqotay wax riyo oo kale ah," ayuu raaciyey.
Waxana uu sheegay inuu weydiiyey rasaasta dhacaysa mid ka mid ah askartii Koofiyadcasta ahayd ee ilaalinaysey isaga, wuxuu iigu jawaabey ayuu yidhi "Jabhaddiinii baa soo gashay meesha".
Waxa uu sheegay maalintaa laga bilaabo ilaa intii maxkamaddoodu socotey in dhagaxtuurka iyo rasaastuba socotey, iyadoo gaasas ciidamo ahna magaalada lagu soo daayey oo ay gaafwareegayeen.
"Marnaba dadku ma muujin wax cabsi ah," ayuu yidhi. Waxana uu sheegay inuu dareemay in cabsidii beenta ahayd ee dadka lagu beeray ay baxday, baqdintii dhabta ahaydna ay ku ururtay daallinkii cududda been-beenta ah dadka ku cabsi gelinayey.
Ugu dambayntii Axmed Muxumad Madar, waxa uu dhallinyarada Somaliland inay kaalintooda ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo waxqabadkeeda ay u soo baxaan oo ay heegan u noqdaan.
"Maalintaa wixii laga dagaalamayey waxay ahayd maamulxumo, dulmi, xaq-darro iyo caddaalad-darro oo badheedhkaa loo galay oo naftaa loo huray," ayuu yidhi.
"Kuwii maalintaa laga dagaalamaya maantana way yaallaan, waanay jiraan. Dhallinyarada maanta waxaan ku baraarujinayaa inay mar walba isu taagaan waxay xaq u leeyihiin iyo xuquuqdooda. Inay bulshadooda ku baraarujiyaan dhibaatada haysata iyo cadaalad-darrada lagu samaynayo," ayuu yidhi Mr. Madar.
Waxana uu sheegay inay sidii dhallinyaradaa hore ee UFFO samaysay oo kale ay bulshadooda hormood ugu noqdaan, ku baraarujiyaan, ku wacyigeliyaan, kuna horkacaan inay noqdaan kuwo xuquuqdooda u taagan.
"Kuwo aan marnaba dulmi iyo xaqdarro iyo caddaalad-darro aan ogolaan, iyana aanay ku dhaqmin, maamulka waqtigaa u talinayana aanay ka aqbalin, ee ay noqdaan kuwo dadkooda dhibaatada ka saaray ayaan kula dardaarmayaa," ayuu Axmed Muxumad Madar ku soo gebagebeeyey hadalkiisa.
MAGACYADA 20kii DHALLINYARADA UFFO EE LAGU XUKUMAY XABSIGA DHEER:
1. Axmed Muxumad Madar
2. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi
3. Xuseen Maxamed Ducaale (Berberaawi)
4. Axmed Xuseen Caabi
5. Dr. Aadan Yuusuf Abokor
6. Cismaan Cabdi Maygaag
7. Maxamed Baaruud Cali
8. C/raxmaan Cabdillaahi
9. Maxamuud Cali Sulub
10. Maxamed Macalin Cismaan
11. Axmed Yuusuf Maxamed (Jabane)
12. Aadan Warsame Siciid
13. Cali Cige Faarax
14. Maxamed Cali Ibraahim
15. Baashe Cabdi Yuusuf
16. Cabdillaahi Cali Adar (Colaad)
17. Maxamuud Cabdi Jiciir
18. Maxamuud Sh. Xasan Taani
19. Yuusuf Cabdillaahi Kaahin
20. Iyo Cumar Ciise Cawaale
Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.
Posted by aqoonyahan
at 12:01 AM PST